Todobaadkan iyo weriyaha laanta curdinka  Qalinkii: Hamud du'ale


Qodobada Weriyaha laanta curdinka laga waraystay todobaadkan waxaa ka mid ah:1.    Dawladdii ururada miyay ku milantay?2.    Markabka Mijihiisii lagu murmayo, madaxiisii yaa liqay?3.     Ma laga yaabaa komishanka Doorashooyinka Qaranka in uu ururka Wadani ku biro? 1. Dawladii ururada miyay ku milantay?Qurbaawi: Dawladii ururada miyay ku milantay?
Weriyaha laanta Curdinka: Maya. M/weynaha  xusbi la’aan ayaa haysa. Sidaa daraadeed isaga ma kala xigaan ururadu,Laakiin ururada ayaa mid weliba hungureenayaa in M/weynaha ururkooda hogaamiyo, marka laga reebo ururka  UMMADDA, oo kalsooni buuxdaa ka muuqato.
Qurbaawi:  Soo kii KULMIYE hogaaminayey; soo kii ku soo tabacayey mudada dheer, soo kii  masgax, muruq iyo  maal midna aan kala hadhin.  Soow kii dhabta uun ku siddii jirey,  sidii wiil u dhalay. Maxaa dhacay?
Weriye:  Taa waxaa biiyey talaata beesteen, xusbi biis ah , aragti biis ah oo tol biis ah. Waxaa biiyey markii isaga oo aan  afartan bixin M/weynuhu, oo umul ah, oo aan ka soo kaban diiftii ololihii foosha doorashooyinka iyo ummusha, oo weli ka  soo kaban  farxad-qadhqadhkii guusha, oo ku dhex jirey hanbalyooyinkii dadweynaha iyo damaashaadkii libta u soo hoyatey;  la  tixgelin waayey ee la kar ka badeeyey, ee la carshocarsheeyey,  ee la yidhi: " innoo kala jeex xusbiga".Qurbaawi:  Taasi soo tii la yidhi heshiis hore la beelood u gaadheen bay ahayd?
Weriyaha: La iskuma raacsana. Qaarbaa u arka in ay xujo ahayd heshiiskeeda loo baahnaa xilligaa si xusbiga loo badbaadiyo. Qaarbaa u arka in awrka la isku kacsanayey. Qaarbaa u arka in uu axdi dhab ahaa oo ciddii jebisaa beelo wacad tahay. Arrinkuse wuxuu ugyahay ‘Cirka day, dhulka day, dhawaaqaaga la cayaar’.
Qurbaawi: Muxuu yeelay M/weynuhu?
Weriye: Si wanaagsan. Madaxweynuh wuxuu cuskaday adiguba caqlaad leedahaye carar maxaa dhaama.
Wuxuu yidhi: " kal goyn maayo, oo lex-jeclo ayaa iga haysee, idinku qaata".
Qurbaawi: kadibna maxaa dhacay?Weriye: Kadibna M/weynuhu wuxuu isku aqoonsaday in uu ahaa murashax madax banaan, oo aan xusbi gaar ah ka soo bixin. Waana sobobta keentay in uu  dhexdhexaad ka noqdo xusbiyada qaranka, xilalka qarankana u magacaabo xusbiyada oo dhan iyo weliba golayaasha sharci dejinta.
  2. Markabka  mijihiisii  lagu murmayo, madaxiisii mee? Qurbaawi: Kiiskii musuqmaasuqu muxuu ku danbeeyey?
Weiriyaha L.curdinka: Weli maraanmar iyo qadaro ayuu ku jiraa.
Qurbaawi: Kow!
Weriyaha: Markabkan waqfiga ahaa,  mijihiisii mooyi madaxiisii lama hayo. Dadweynihii, qareenadii, warbaahintii, iyo siyaasiyiintii waxaa lagu mashquulay xadhiga iyo mijihii markabka. Weli la isma weydiin meeday intii kale. Dawladii la moodayey in ay musuqmaasaq daraadii iyo dar Ilaahay u soo xidhay sedexda qof,   Iskamay xil saarin baadi goobkii markabka intiisii kale. Taasina tuhun badan ayay dhalisay.
Qurbaawi: Maxaa immika la isla dhexmarayaa?
Weriyaha: Dadka qaar waxay leeyihiin arrinkani waa indha-saab iyo tafaaful lagu madax gadanayo, qaarna waxay leeyihiin waa qataar, qaarna waxay leeyihiin sakaaro saalo muuqan doonta ayay asaasaysaa.
Waa qataaroo, waa cilmiga  qof sakaraadaya xanuunkiisa qof kale lagu wareejiyo , daalinbaa, dulmana lagu doorinayaa. Waa indhosaab oo wax weynbaa la qarinayaa oo wax yarbaa farta lagu  fiiqayaa.
Qurbaawi: Miyaanay jirin denbi baadhayaal madax banaan (Private detectives) iyo warbaahin dabagasha, oo innoo kala caddaysa oo la fujo geliyaa?
Weriye: Wallaahi kaalintaasi way banaan tahay. Waa halkay salaadu ka xidhmi la’dahay, wax walba dawlada ayaa ah.  Culumadan wax walba furaneysana, Kaalintan  way ilduufeen,   inkasta oo aanay iyagu ku degdegin wixii aan macaash dedeg laga heleen.
Qurbaawi: Oo Cabdillaahi Cirro, Muuse Buur Dhaab iyo xertoodii, waayo araga ahayd, maxay u furi waayeen xafiiska denbi baadhista gaarka ee Caalamiga ah ilayn, waa tan akownt-yadiina dibadaha lagu furaye;  si ay u bareejeeyaan denbi baadhayaasha dawliga ah, markaasay caddaaladu sugmaysaaye, oo ay xaq iyo miisaan yeelanaysaaye. Maxay u furi waayeen?
Weriye: Mooyi.
Qurbaawi: Sidaa iyo ammaano alla,  laakiin waxaan kugu sagootiyaya in aad buug ka qorto kiiskan oo aad runta raadiso oo is xilqaanto oo laanta curdinka wixii soo gaadhey ka bilood ilaa wixii koonfur u gudbey.  Waa kiisaska buugaagta ugu badan laga qoro, kiiskan oo kale. Ha iska lumin fursadaa qaaliga ah. Waa iga talo. Il qabyaaladeed ha ka eegin, il qalin soofaysan ku eeg oo qadarin mudan.
  3. Ma laga yaabaa in komishanka Doorahooyinka Qaranku ku biiro ururka WADANI?
Qurbaawi: Ma laga yaabaa komishanka doorashooyinka Qaranku in uu ururka    WADANI ku biiro?Weriye: Wax u diidayaa ma jiro. Meel uu kaga hadho ma joogo.Qurbaawi: Waayo?Weriye:  Axdi qarameedkii iyo distuurkii aftida dadweynaha loo qaaday, waa la  laalay.Qurbaawi: Ma inqilaab ayaa dhacay?Weriye: Inqilaab ma dhicin, laakiin labadii Gole ee sharci dejinta ee ahaa  tirarkii Somaliland  ayaa ku biiray ururka WADANI, oo cid gaar ah ku suntan.Qurbaawi: Kow!Weriye: Sidaa daraadeed mar haddii labadii Golee ee ansixiyey komishankan Qaranka xusbi galeen, dawladiina raali ka tahay, komishankuna ka ag fogaan maayo.Qurbaawi: oo goor dhaw marka la isqabsado, ayaa ururada u gar  niqi doona?Weriye: Komishanku hadday ansaxiyaan Wadani iyagaa Axdigii iyo Aaminkiiba furaaya. Waa rajada qudha ee dadweynuhu ka dhursugayaan. UCID Burburin, Golihii Wakiilada Burburin, Guurtidii loo hanweynaa burburin, waxaa xigi qaran burburin, iyo qoorta oo la isla galo. Hadaba halkan balaayada lagama hortago, ee marka qoorta lala galo ayaa furdaaminteeda muddo lagu murmaa.

Comments

Popular posts from this blog

WFP food vouchers helping hungry families and local markets in Somalia